​Hishiis dayn cafin ah oo dhexmaray DFS iyo IMF

Image

NAIROBI- Kulan ka qabsoomay dalka Kenya gaar ahaan magalada Nairobi ayaa looga hadlay xaaladda Somalia gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo hormaradii ugu dambeeyay ee dowladda Federalku samaysay, waxaana shirkaasi u dhaxeeyay wafdi uu hogaaminayo  wasiirka malliyadda Maxamed Aadan Ibrahim "Fargeeti" iyo xubno matalayay hay’adda Sanduuqa Caalamiga Adduunka ee loo yaqaano (IMF).

Shirkaas oo socday 30 March-5-ta April ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray qaabkii Somalia looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay, isagoona gogol xaal looga dhigay shir labada dhinac dhexmari doona 2012 bishan kaasi oo ka qabsoomi doona dalka Maraykanka.

Mr. Rogerio Zandamela oo hogaaminayay wafdiga IMF, ayaa aad u soo dhaweyey horumarrada dhanka maamulka maaliyadda ee dowlada Somalia ku talaabsatay mudooyinkii ugu dambeeyey.

“Tan iyo sanadkii 2012, dowladda Somalia waxay ku gaartay horumar wax ku ool ah oo ku aadan dib-u-dhiska hay’adaha dhaqaale ee dalka iyo dib-u-soo noolaynta adeegyada dowladeed.  Inkastoo horumarkaas baaxada leh la gaaray, hadana amniga dalka wali waxaa ka jira caqabado, sidaas daraadeed Hay’adaha dowladda waxay u baahan yihiin dib-u-habayn baaxad leh si loo joogteeyo dib-u-dhiska Somalia, waana in lahelaa taageero horumarineed oo joogto ah,”Ayuu yir Zandamela.

Wuxuu sheegay isagoo sii hadlaya mas'uulkaasi in dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jira sabab u tahay xaaladda amni darro, isagoo codsaday in la sameeyo dadaallo xooggan si arrintaasi loo dareemin.

 “Inkastoo xaalado adag dalka ka jiraan, hadana dadaalka dowladda waa mid mira dhalaya. Horukaca dhaqaalaha 2015tii waxaa lagu qiyaasay 3.7 boqolkiiba, halka sicir bararka 1% lagu qiyaasay. Si kastoo ay tahayba, dhibaatooyinka dagaalku keenay ayaa wali caqabad ku ah kor u qaadista dakhliga dowladda iyo gaarsiinta dadka adeegyada dowladda,” Ayuu yiri Gogerio Zandamela.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Somalia Maxamed Aadan Ibrahim "Fargeeti", ayaa sheegay inay IMF la galeen hishiis Somalia looga cafinayo daymaha lagu leeyahay, wuxuuna intaasi raaciyay inay sii wadayaan dadaalkooda khuseeya qaabkii ay hufnaan ugu shaqayn lahaayeen dhinacyada kala duwan ee dowladda.

“Si dadaalka dowladda ay wado loo dhiiro geliyo, dowladdu waxay heshiis dayn cafin ah la gashay hay’adda Sanduuqa Caalamiga ah (IMF) kaas oo ka bilaami doona May 2016. Heshiiskaan oo fulintiisa looga baahan yahay dowladda Soomaaliya wuxuu horseed u noqon karaa in daynta Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraysa 5.4 Billion oo Dollar, qaarkeed laga cafiyo” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Hishiiska labada dhinac ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta siyaasadda, kor u qaadidda habsami u socodka maamulka maaliyadda, xoojita hay’adaha dowladda, kaabidda horumarka dhaqaalaha dalka, wax ka qabashada lacagta Shilling Soomaaliga oo duugoowday iyo xoojinta awoodda Bankiga Dhexe uu ku yeelan karo ilaalinta Xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay.

Fargeeti, ayaa sheegay in dowladda Somalia ka mahad celinayso heshiiskaan oo ku qotoma bilawgii dayn cafinta Soomaaliya ee ay la gashay IMF taasoo uu tilmaamay inay ku dhiiri gelinayso wadamada deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha dhaqaalaha ee adduunka inay garab istaagaan dalka la dhibaatoonaya xasiloonida mudada dheer jirsatay.

Kulankan kadib gaar ahaan 12 April ayaa madax kasocota Somalia iyo IMP isug imaan doonaan dalka Maraykanka si loo dhammaystiro hishiiska ay wada gaareen labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM