Hishiis dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna

Image

27 August, 2015 (GO)- Maamulka Galmudug iyo  Ahlusunna Waljameeca ayaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ku  kala saxiixdey  heshiis Awood-qaybsi ah .

Heshiiskan ayaa ka kooban dhowr qodob, wuxuuna ku qotoma sidii maammulka Ahlusuna Waljamaaca uga mid noqon lahayd maamulka Galmudug ee Cadaado lagu dhisay bishii lasoo dhaafay ee July.

Qodobbada ku xusan heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah inay Ahlu-sunna xubno ku yeelato golayaasha Maamulkan sida; Xildhibaanada, Wasiirada, Agaasimayaasha,Maamullada goballada iyo degmooyinka uu ka taliyo maamulkaasi.

Galmudug ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Madaxweynahooda, C/kariin Xuseen Guuleed, halka Ahlusunna Waljamaaca uu Heshiiska u Saxiixay Guddoomiyaha Seddexda Gole ee Ahlusunna, Sheekh Ibraahim Guureeye.

Hishiiska labada dhinac ayaa ka yimi ka dib wadahadalo maalmihii la soo dhaafey uga socdey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana madaxweynaha Galmudug oo horey u baajiyay dhismaha golaha Wasiirada maamulkaasi oo la filayay in dhawr maalin ka hor lagu dhawaaqo.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM