​Hishiis dhexmaray Somalia iyo Suudan

Image

Hogaamiyaasha dalalka Somalia iyo Sodan ayaa kulan ku yeeshay caasumadda dalkaasi iyagoo kawada hadlay arrimo kala duwan oo xoojinta xiriirku ugu muhiimsanaa, waxaana shir dhexmaray Xasan Sheekh iyo Cumar Xasan al-Bashir ku go'aamiyeen in la magacaabo guddi heer wasiirro oo ka shaqeeya adkaynta calaaqaadka labada waddan ka dhaxeeya.

Mas'uuliyiinta ayaa diiradda saaray dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo tayeynta laamaha dowladnimo ee Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa shirka kadib hadlay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta loogu sameeyay dalka Sudan isagoo mahadcelin usoo jeediyay shacabka dalkaas iyo madaxdooda, wuxuuna ku booriyay inay xajistaan hormarka ay gaareen.

Xasan, ayaa intaasi ku darey in Somalia sannadkan ka dhacayaan doorashooyin , taasina ka marag kaceyso horumarka laga sameeyay dhanka dowlad dhisidda, baahinta maamulka iyo in shacabku yeesho codka ay ku soo dooranayaan hoggaankooda.

Madaxweyne Al-Bashir, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Somalia ku tallaabsaneyso, isagoo xusay inay taageerida sii  wadayaan ilamaa dib usoo noqonayso haykalkii dowladnimo.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale xusay inay doonayaan in wadamadoodu  tusaale u noqdaan gobolka, kana shaqeeyaan horumarka, xasiloonida iyo nabadgalyada.

Hishiiskan iyo wada-xajoodkan ayaa kusoo beegmay xilli madaxweynaha Somalia shalay uu gaaray dalka Suudaan halkaasoo loogu sameeyay soo dhaweyn ballaaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM