Talyaaniga oo lacag ugu deeqay qaxootiga ka soo cararay Yemen

Image
Image
Image
Image

16 September, 2015(GO)-Dowladda Talyaaniga iyo Ha'adda Qarmada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa magalada Nairobi ku kala saxiixday hishiis dhigaya in deeq lacageed la siiyo dadka ka soo qaxaya colaadaha Yemen.

Hishiiska ka dhacay Kenya, waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka socotay dowladda Somalia,waxaana uu dhigayaa in lacag gaaraysa 1.4 Milyan oo Yuuro(Euro) dib u-dajin loogu sameeyo muhaajiriinta yimi Somalia.

Safiirka Somalia u fadhiya Kenya  Jamaal Maxamed Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in lacagtani wax loogu qaban doono xaaladda qaxootiga, waxayna qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in wax loogu qabto kumanaan muhaajiriin ku sugan Somalia.

Arrintan aya imaanaysa xilli qaybo badan oo Somalia ka mid ah soo gaareen qaxooti ka yimi colaadda Yemen, kuwaasi oo la daalaa dhacaya duruufaha dhanka nolosha ee soo wajahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM