Hishiis lagu kala saxiixday Jig-jiga

Image

JIG-JIGA- Waxaa maanta magalada Jig-jiga xarunta is-maamulka Somalida Ethiopia hishiis ku kala saxiixday madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo DDSI, kaasi oo lagu soo afmeerayo dagaallo dhawaan ka dhacay deegaanka Daac-dheer oo dhaca xadka labada dhinac.

Hishiiskan, waxaa goob joog ka ahaa madaxwyenaha maamulka Jubbaland iyo mas'uuliyiin kale, waxayna labada dhinac ku hishiiyeen in lasoo afmeero dagaalkii dhacay islamarkaan guddi loo saaro ka shaqaynta nabad galyada xadka.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in wada-xaajoodkaasi ahaa mid taariikhi ah islamarkaana looga hadlayay xasiloonida gobolka isagoo intaasi raaciyay inay kala saxiixdeen hishiis damaanad qaadaya inuusan dagaalkaasi oo kale dib u soo laaban.

"Wada-hadalladii aan u imi magalada Jig-jiga oo aan uga hadlaynay qul-qulatooyinkii ka dhacay deegaanka Daac-dheer, runtii wuxuu ahaa wax wanaagsan oo ay kasoo baxeen qodobo wax ku ool ah, sida inaan kawada shaqayno nabad galayada iyo qaabkii looga fogaan lahaa dhib kale oo dhaca," Ayuu yiri Cabdikariim.

Guuleed ayaa wax laga weydiiyay doorka madaxweyne Axmed Madoobe iyo halka uu shirkaasi kasoo galay, wuxuuna tilmaamay inuu yahay oday Somaliyeed oo isku howlay sidii colaadaasi loo joojin laahaa isagoo xusay inuu qayb ka ahaan dhex-dhexaadiyaasha labada garab.

Arrinta dadkii dhibaatadu soo gaartay ee labada dhinac ayuu ka hadlay, isagoo xusay inuu u sido fariin iyo hishiis damaanad qaadaya wada-daganaansho nabadeed iyo xal laga gaaray khilaafkii jiray isagoo intaasi raaciyay inaysan haatan doonayn dhibaato kale oo dadka deegaanka soo food saarta.

Dagaalka bishii hore dabayaaqadeedii ka dhacay deegaanka Daac-dheer ayaa galaaftay nolosha toboneeye ruux, waxaana sidoo kale ku barakacay qoysas badan, waxaana isku dhacaasi dhexmaray ciidamo kasoo jeeda ismaamulka Somalida Ethiopia iyo dad reer guura ka yimi dhinaca maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM