​Hoobiyaal lagu garaacay qaybo kamid ah Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Weerar loo adeegsaday hoobiyaal ayaa Saakay oo Khamiis ah waxa uu ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimada Soomaaliya.

Ilaa 7 gantaal oo labo kamid ah qarxin ayaa lala beegsaday xaafadda Buulo-xuubey iyo goobo ku dhaw xarunta ay ku shaqeeyaan hay'adaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee Xalane.

Wararka ayaa sheegayaan in weerarka loola dan-lahaa Xarunta Xalane, ee ay deganyihiin ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo Garoonka diyaaradaha Muqdushu.

Afhayeenka AMISOM Joe Kibet, oo la xiriiray Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in aysan jirin wax hoobiyaal ah oo ku dhacay gudaha xarunta Xalane.

Joe Kibet wuxuu sheegay inay maqleen warka ku saabsan hoobiyaasha, balse uusan ogayn madaafiic ku dhacday saldhigooda Xalane ama meel ku dhaw.

Qaar kamid ah hoobiyaasha ayaa waxay haleeleen Xaafadda Buulo-Xuubeey, lamana oga Khasaaraha ay geesteen. 

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarkaasi.

Magaalada Muqdishu, ayaa amnigeedu sii xumaanaya xilli la isu diyaarinayo doorashada Madaxtinimo ee dhici doonta dabayaaqada sannadkan 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM