​Hoobiyaal lagu weeraray Madaxtooyada Somalia

Image

MUQDISHU- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in hoobiyaal lagu weeraray xarunta madaxtooyada Somalia gaar ahaa xafiiska Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. 

Inta la xaqiiyay saddex ruux ayaa dhimatay 10 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan. Wararka hordhaca ah ee aan helayno ayaa sheegaya inuu ku dhaawacmay Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibril oo kamid ah mudanayaasha Barlamanka Somalia. 

Dadka kale ee hoobiyaasha ku waxyeelloobay waxaa kamid ah qoys daganaa nawaxiga Villa Somalia, waxaana dhintay hooyo iyo labo ilmood oo ay dhashay.

Lama garanayo cidda weerarka soo qaaday maadama aysan ka hadlin dhinaca dowladda Somalia, waxaa sidoo kale adag xogta rasmiga ah ee weerarka maadama goor dhaweyd uu dhacay. 

Maaha weerarkii ugu horeeyay ee lala beegsado xafiiska Ra'ilsal wasaaraha Somalia, waxaana weerarkan imaanaya xilli mas'uuliyiinta ugu saraysa dalka ku maqan yihiin waddanka Turkiga gaar ahaan magalada Istanbul. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM