Hoobiyeyaal lagu soo duqeeyey madaxtooyada Muqdisho

Image

February 26, 2015 (GO)- Hoobiyeyaal ayaa goor dhow lagu duqeeyey xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan toban hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay kusoo dheceen agagaarka madaxtooyada mid kamid ahina uu ku dhacay meel u dhow xarunta Wasaaradda Maaliyadda oo madaxtooyada ku dhex taal.

Labo hoobiye oo kale ayaa iyaguna ku dhacay afaafka hore ee Safaaradda Jabuuti oo masaafo aan dheereyn u jirta madaxtooyada.

Mas'uuliyiinta laamaha ammaanku kama hadlin weerarkan mana jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Ciidamada dowladda ayaa hawlgal baaritaan ah ka bilaabay xaafadaha ku hareeraysan goobta hoobiyaha laga soo ridey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee hoobiyeyaal lagu soo duqeeyo madaxtooyada Muqdisho, balse weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee sanadihii u dambeeyey xilli maalin ah madaxtooyada lala beegsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM