Horjoogayaal katirsan Al Shabaab oo Galkacyo lagu qabtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo si gaar ah u tabo-baran oo dhawaan soo gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa la sheegay inay sameeyeen howlgallo gaar ah kuwaasoo ka dhan ahaa rag lala xiriirinayo inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Federalka Somalia, ayaa xaqiijiyay howgalkan waxayna tilmaameen in rag dhawr ah lagu qabtay magaalada Galkacyo kuwaasoo ay ku jiraan Ajnabi.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Somalia Sarreeyo Guuto Cali Baashi Maxamed, ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federalka Somalia u sheegay inay qabteen 5 qof kuwaasoo uu ku jiro Horjooge sare oo kooxda Shabaab u qaabilsanaa sancaynta waxyaabaha qarxa.

Baashi ma caddaynta goobta rasmiga ah ee raggan laga qabtay, balse wuxuu intaasi raaciyay inay hayeen xog sheegaysa in raggaasi ku suganyihiin magaalada Galkacyo.

Horjoogaha la qabtay ayaa lagu magacaabaa Saciid Cabdulaahi Abuubakar Al Suudaani.

Ilaa hadda majirto faah faahin rasmi ah oo kasoo baxay halka la geeyay kooxdan.

Ciidamadan oo lagu magacaabo Danab islamarkaana taageerto dowladda Maraykan ayaa muddooyinkii dambe laga hadal-hayay magaalada Galkacyo kuwaasoo la sheegay inay kasoo dageen garoonka Diyaaradaha Galkacyo, balse waxaa goor sii horraysay arrintaasi gaashaanka ku dhuftay Dhagaweyne oo ah maareeya madaarka Cabdullaahi Yusuf.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM