Horjoogayaal katirsan Al Shabaab oo Galkacyo lagu qabtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo si gaar ah u tabo-baran oo dhawaan soo gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa la sheegay inay sameeyeen howlgallo gaar ah kuwaasoo ka dhan ahaa rag lala xiriirinayo inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Federalka Somalia, ayaa xaqiijiyay howgalkan waxayna tilmaameen in rag dhawr ah lagu qabtay magaalada Galkacyo kuwaasoo ay ku jiraan Ajnabi.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Somalia Sarreeyo Guuto Cali Baashi Maxamed, ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federalka Somalia u sheegay inay qabteen 5 qof kuwaasoo uu ku jiro Horjooge sare oo kooxda Shabaab u qaabilsanaa sancaynta waxyaabaha qarxa.

Baashi ma caddaynta goobta rasmiga ah ee raggan laga qabtay, balse wuxuu intaasi raaciyay inay hayeen xog sheegaysa in raggaasi ku suganyihiin magaalada Galkacyo.

Horjoogaha la qabtay ayaa lagu magacaabaa Saciid Cabdulaahi Abuubakar Al Suudaani.

Ilaa hadda majirto faah faahin rasmi ah oo kasoo baxay halka la geeyay kooxdan.

Ciidamadan oo lagu magacaabo Danab islamarkaana taageerto dowladda Maraykan ayaa muddooyinkii dambe laga hadal-hayay magaalada Galkacyo kuwaasoo la sheegay inay kasoo dageen garoonka Diyaaradaha Galkacyo, balse waxaa goor sii horraysay arrintaasi gaashaanka ku dhuftay Dhagaweyne oo ah maareeya madaarka Cabdullaahi Yusuf.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM