Horjooge ka tirsan Shabaab oo Galgaduud lagu qabtay [Dhagayso]

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Hawl gallo shalay ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Africa ka sameeyeen gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku soo dhigay horjooga saraakiishu sheegeen inuu ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ninka la qabtay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cali Ganey, waxaana uu qaabilsanaa sida ciidanka dowladda laga soo xiganayo weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed (Biyo Quute) ayaa VOA-da u xaqiijiyay qabashada horjoogaha, waxaana uu sheegay in lagu soo qabtay deegaanka Ceel Shiil oo dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Ceelbuur, una jirta dhowr iyo toban KM.

Dowladda Somalia ayaa Gudoomiye ku-xigeenku ka codsaday inay kala wareegto isaga iyo maxaabiis kale oo horey gacanta ugu dhigeen.

Horjoogaha ayaa la qabtay ayaa ka soo jeeda deegaanka, waxaana maamulka degmada Ceelbuur tilmaamayaan inuu shacabka ku hayay dhibaatooyin xoogleh mudadii uu ka tirsanaa ururka AL-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM