​Horjooge katirsan Shabaab oo Muqdishu lagu qabtay

Image

MUQDISHU- Ciidamada Nabad Sugidda Somalia ayaa degmada Kaxda ee gobolka Banaadir kasameeyay howlgal lagu soo qabtay horjooge katirsan ururka Al Shabaab kaasi oo loo haysto weeraro lagu qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Howlgalkan oo xalay ciidamadu qaadeen, waxaa la sheegay inuu si nabad galyo ah u dhacay islamarkaana lagu guulaystay qabashadan ninkan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Fanax.

Afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay ninkaasi lala socday goobta uu ku sugnaa iyo falalka amni darro ee uu qaabilsanaa, wuxuuna u mahadceliyay laamaha amniga gobolka Banaadir.

“Xalay ciidamada ammaanka waxay soo qabteen hor-jooge ka tirsan Al-Shabaab, gacanta lagu soo qabtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Fanax, ragga madaxiisa lacagaha dul-saarnaa ayuu ka mid ahaa,”Ayuu yiri  Xalane.

Xalane ayaa ammaanay nabadyada gobolka isagoo sheegay inuu marayo halkii ugu wanaagsa, wuxuunta intasi ku daray in ku simaha gudoomiyaha Banaadir  iyo mas'uuliyiin kale kormeer xalay ku tageen qaybo kamid ah caasumadda Somalia, kaasi oo u jeedkiisa lagu sheegay indha-indhaynta nabadgalyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM