​Howlgal Maraykanku ka qayb-qaatay oo ka dhacay Buulogaduud

Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Ciidamo katirsan dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland oo taageero dhanka cirka ah ka helaya ciidamada Maraykan ah ayaa weerar ku qaaday saldhig kooxda Shabaab ku leedahay deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30KM dhinac Galbeed ka xigta magaalada Kismayo xarunta gobolka Jubbada hoose.

Warar ku xeeran howlgalkaasi ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay la wareegeen deegaanka iyagoo bur-buriyay saldhigga Al-Shabaab waloow aysan jirin xog rasmi ah oo laga helayo dagaal ka fool ka fool ah oo labada dhinac dhexmaray.

Goob joogayaal la hadlay GO, ayaa sheegay in xalay maqleen rasaas xooggan iyo duqaymo dhinaca cirka ah.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa ku waramay inay dileen ugu yaraan 10 kamid ah dagaalyahannada ururkaasi waloow uusan sheegeen faah faahin intaasi dheer.

Sarkaal katirsan ciidamada howlgalka fuliyay ayaa sheegay inay la wareegeen saldhiggii kooxda Shabaab islamarkaana khasaaro xooggan u gaysteen, wuxuuna intaasi ku daray in howlgalku hakaday kadib markii mallayshiyada Shabaab goysay Buundada Wirkooy oo aan sidaasi uga fogayn goobta lagu dagaallamay.

Goynta buundadan ayaa kooxda Shabaab u adeegsadeen miinooyin sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Weerar 01 Jun, 2016 ka dhacay deegaanka Buulogaduuda ayaa lagu dilay Maxamed Dulyaddayn oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa kooxdaasi iyo mallayshiyaad taabacsanaa, waxaana dhawaan dowladda Somalia sheegtay in gobollada Jubboyinka ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM