​Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo laga fuliyay Galgaduud

Image

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa howlgallo xooggan ka sameeyey deegaano katirsan gobolka Galgaduuda ee bartamaha dalka, waxayna gacanta ku dhigeen deegaano horay ugu jiray gacanta ururka Al Shabaab.

Howlgalka, ayaa ka dhacay degaano hoostaga Galcad, waxaana saraakiisa ciidamadu sheegayaan inaysan jirin iska hor imaad dhexmaray iyaga iyo mallayshiyada ururkaasi.

Kornayl Axmed Maxamed Tareedishe oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sgan deegaanka Galcad ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay inay dhawaan la wareegeen deegaanno horleh, isla markaana ay iminka wadaan howlgallo ay ku xaqiijinayan tuulooyinka hoostaga Galacda.

Tareedishe ayaa xusay in arrimaha ammaanka dhawaan kala hadleen qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Galcad, wuxuuna intaasi raacshay inay la kulmi doonaan shacabka goobaha gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa bulshada ka codsaday inay la shaqeeyaan islamarkaana ka qayb qaataan sidii hormarka iyo adkaynta ammaanka looga qayb qaadan lahaa.

Qabashada deegaannada, ayaa kusoo beegmay xilli 30 May, 2016 magalada Baladweyne lagu xiray taliyihii hogaaminayay howlgalkan, Kornel Maxamed Kaariye Carraale, kaasoo loo haystay arrimo la xiriira dil loo gaystay sarkaal kasoo goostay ururka Shabaab ee Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM