HRW: AMISOM ha Baarto Dhacdadii Marka

Image

(VOA)- Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya inay baadhaan dilka lagu eedeeyey ciidamada Uganda ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.

Ciidama AMISOM ee ku sugan magaalada MARKA ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu eedaynayaa inay dileen lix qof oo ku sugnaa xaflad aroos, bishii July 31-keedii 2015.

Human Rights, waxa ay sidoo kale dalbatay in baaritaanka la sameeyo, ayada oo si aad ah loo dhowrayo ammaanka dadka goobjooga u ahaa dhacdadan, islamarkaana dowladda Uganda ay si caddaalad ah u maxkamadeyso askari kasta oo lagu helo inuu mas’uul ka ahaa weerarka.

Halkaan ka akhri warbixintaan oo ku qoran afka Ingriiska 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM