​Idaacad ku taal Afgooye oo la xiray

Image

AFGOOYE, Somalia- Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa hawada ka saaray Idaacad ka howl gali jirtay degmadaas.

Ciidamo uu wato Gudoomiyaha Afgooye, ayaa lagusoo warmayaa inay tageen Idaacadda islamarkaana amar ku bixiyeen in la damiyo.

Cabdinaasir Caalim Ibraahim oo ah Guddoomiyaha degmadaas, ayaa Radiyowgan ku eedeeyay inay ka shaqayso isku dirka iyo amni xumada deegaanada hoos yimaada Afgooye.

Balse, arrintaas waxaa gaashaanka ku dhuftay Agaasimaha Radio Afgooye oo xusay inaysan jirin wax amni xumo keenaya oo laga baahiyay xarunta la xiray.

Wuxuu Agaasime Maxamed Muuse, dhaliilay qaabka loo maray xiritaanka Idaacadda, isagoo xusay inaan horay loo siin wax digniin ah islamarkaana ciidamo hubaysan oo aan wadan waaran Maxkamadeed albaabka isugu dhufteen xarunta.

Muuse, wuxuu ku eedeeyay xarigga Raadiyaha maamulka Koonfur Galbeed isagoo sheegay in ciidamadan ka amar qaataan xukuumadda Baydhabo.

Majirto qalab la qaatay iyo cid la xiray siday noo xaqiijiyeen maamulka Idaacadda, balse arrintan ayaa la sheegay inay dabo socoto dadaallo maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ku caburiyaan warbaahinta.

Idaacadda la xiray ayaa ah midda kaliya ee ka howl gasha gobolka, waana xarun gaar loo leeyahay iyagoo barnaamijyadeeda laga dhagaysto degmada afgooye iyo inta ku xeeran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM