​IGAD iyo Odayaasha Hiiraan oo is-fahmi waayay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

BALADWEYNE, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka urur Goboleedka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey, ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, waxayna kulan la qaateen Odoyaasha gobolkaasi iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federalka.

Shirkan ayaa looga hadlayay dhismaha maamul ay ku midaysanyihiin gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan kaasoo hakad ugu jira khilaafaad ka dhashay qaabka loo dhisayo.

Arrimo ay kamid tahay; halka lagu qabanayo shirka maamul u samaynta, caasumadda maamulka la dhisi doono iyo qaabka wax loo qaybsanayo ayaa diiradda lagu saaray, waxaana xogta uu helayo Garowe Online sheegaysaa in la isku af-garan waayay.

Maxamed Cabdi Raaxo oo kamid ahaa duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, ayaa Radio Garowe u sheegay in kulanku waqti dheer socday islamarkaana la isku fahmi waayay waxyaabihii laga wada hadlay iyadoo aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxday.

Raaxo, ayaa caddeeyay in dadka reer Hiiraan rabitaan gooni ah leeyihiin sidaasi darteed ay sugayaan natiijada xigta kadib marka ay lasoo kulmaan sida uu hadalka u dhigay dowladda Federalka Somalia.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku hadlayay afka Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay wafdiga in la saxo qaldaad badan oo jira, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay saami-qeybsiga dalka oo sidda uu hadalka u dhigay siweyn loogu dulmiyay gobolka Hiiraan.

Wafdigan waxaa qayb ka ahaa Gabre oo kasocday dhinac dowladda Ethiopia, waxaana kulankaan kusoo beegmay xilli dowladda Somalia ku fashilantahay qancinta waxgaradka Hiiraan kuwaasi oo diiday inay ka qayb galaan shirka gogoshiisa la dhigay magaalada Baladweyne.

Dowladda Federalka Somalia ayaa quus kadib howsha dhismaha maamulkaasi gacanta u galisay urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo shirkoodii ugu horeeyay ku guul darraystay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM