​IGAD iyo Odayaasha Hiiraan oo is-fahmi waayay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

BALADWEYNE, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka urur Goboleedka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey, ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, waxayna kulan la qaateen Odoyaasha gobolkaasi iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federalka.

Shirkan ayaa looga hadlayay dhismaha maamul ay ku midaysanyihiin gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan kaasoo hakad ugu jira khilaafaad ka dhashay qaabka loo dhisayo.

Arrimo ay kamid tahay; halka lagu qabanayo shirka maamul u samaynta, caasumadda maamulka la dhisi doono iyo qaabka wax loo qaybsanayo ayaa diiradda lagu saaray, waxaana xogta uu helayo Garowe Online sheegaysaa in la isku af-garan waayay.

Maxamed Cabdi Raaxo oo kamid ahaa duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, ayaa Radio Garowe u sheegay in kulanku waqti dheer socday islamarkaana la isku fahmi waayay waxyaabihii laga wada hadlay iyadoo aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxday.

Raaxo, ayaa caddeeyay in dadka reer Hiiraan rabitaan gooni ah leeyihiin sidaasi darteed ay sugayaan natiijada xigta kadib marka ay lasoo kulmaan sida uu hadalka u dhigay dowladda Federalka Somalia.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku hadlayay afka Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay wafdiga in la saxo qaldaad badan oo jira, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay saami-qeybsiga dalka oo sidda uu hadalka u dhigay siweyn loogu dulmiyay gobolka Hiiraan.

Wafdigan waxaa qayb ka ahaa Gabre oo kasocday dhinac dowladda Ethiopia, waxaana kulankaan kusoo beegmay xilli dowladda Somalia ku fashilantahay qancinta waxgaradka Hiiraan kuwaasi oo diiday inay ka qayb galaan shirka gogoshiisa la dhigay magaalada Baladweyne.

Dowladda Federalka Somalia ayaa quus kadib howsha dhismaha maamulkaasi gacanta u galisay urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo shirkoodii ugu horeeyay ku guul darraystay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM