​Iikar oo kusoo baxay doorasho ka dhacday Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Beelaha Banaadiriga ayaa maanta dib uga billaabatay Muqdishu, waxaana ku soo baxay Musharaxiin uu kamid yahay ku xigeenka 1-aad ee Gudoomiyaha Baarlamaanka uu Waqtiga ka dhamaadey Jeylaani Nuur Iikar.

Doorashada oo ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliiska ee degmada Cabdicasiis ayaa waxaa lagu doortay Labo Kursi, oo midkood uu kusoo baxay Jeylaani Nuur Iikar, halka mid kale uu Haweenka u gaar ahaa.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa helay 28 Cod, isagoo ka guulaystay Cabdicasiis Cusmaan oo isna helay 23 Cod.

Kusriga Labaad oo ay tartameen dhowr Musharax oo Haween ah, ayaa ku guulaysatay Fahmo Axmed Nuur oo heshay 51 cod, oo ah dhamaan Codadka Ergada codbixinta ka qeyb-qaatey.

Fahmo oo ah Wasiir ku xigeenka wasaarada Haweenka iyo xuquul Insaanka Xukuumada, Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka uu waqtiga uu ka dhamaadey ayaa ka adkaatay Tuuma Cusmaan Nuur oo Ilmo adeer yihiin.

Beelaha Banaadiriga oo ka helay Aqalka hoose 7 Xubnood, ayaa waxay maanta doorteen Labo Kursi, iyadoo mid kamid ah Kuraastooda u harsan ee 5-ta ah loo wareejiyay Doorashadooda magaalada Jowhar.

Beelaha Banaadiriga Bandhawoow iyo Barwaani ayaa Doorashada Kuraastooda Aqalka Hoose waxay ka dhacaysaa Muqdishu, halka Beesha Carab Saalax la geeyay Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM