Imaaraadka oo gaadiid gaashaaman siiyey booliska D. Federaalka

Image
Image
Image

June 10, 2015 (GO)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid gaashaaman ugu deeqday booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad qalabkan lagula kala wareegayey oo ka dhacday gudaha dekedda magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirasaaq Cumar Maxamed, Safiirka Imaaraadka ee Somalia Muxamed Cuthmaan iyo Taliyaha Booliska Maxamed Sheekh Xasan.

Wasiirka Amniga oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Taliyaha Booliska oo isna hadlay ayaa sheegay in gaadiidkani qayb weyn ka qaadan doono tayeynta iyo horumarinta shaqada booliska.

Safiirka Imaaraadka wuxuu sheegay in Dowladda Imaaraadku sii joogteyn doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta ay ka qaadaneyso dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa todobaadyo kahor sidan oo kale gaadiid gaashaaman u siisey ciidamada Jubaland iyo Puntland, inkastoo gaadiidkaasi ahaa mid aad u tiro yar marka loo babar dhigo inta la siiyey Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM