Iskaashi dhexmaraya Somalia iyo India

Image
Image
Image
Image

14 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh MAxamud ayaa maanta qaabilay kulanna kula qaatay xarunta madaxtooyada Somalia, danjiraha India u fadhin doona Somalia HE. Ms Suchitra Durai.

Xasan ayaa dhawaan tagay dalkaasi, wuxuuna kulanka labada masuul dhexmaray ku sheegay in dowladda Somalia ka go'antahay sidii labada dalka iskaashi dhinac walba ah u dhexmari lahaa.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mahad Maxamed Salaad, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale soo dhoweeyay dhambaal ay Danjire Durai ka sidday Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi oo ah in dowladdiisa Somalia u soo direyso guddi qiimeyn ku sameeya dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan, sida iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, dib u dhiska, amniga, waxbarashada iyo adeegyada kale ee arrimaha bulshada.

“Aad baan ula dhacsanahay xiriirka wanaagsan ee nagala dhexeeya India. Dhowaan markaan tegey New Delhi, waxaa uu Ra’iisul Wasaare Modi muujiyey sida uu u doonayo in labada dal ay u sameystaan xiriir iskaashi oo dhinacyo badan leh, kaas oo aan aaminsanahay inuu muhiim u yahay Soomaaliya oo u baahan dib u dhis iyo maalgashi. Waxaan haatan sameysmaya sharciyadii maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale, waxaana gacmo furan ku soo dhoweynayaa shirkadaha iyo ganacsatada India inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya’’, Ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjire Suchitra Durai, ayaa dhankeeda sheegtay in adeegyada ugu horeeya ee ay Somalia ka caawin karaan ka mid tahay helista tamarka korontada, waxbarashada, iyo in labada dhinac isla daraaseeyaan qaabkii iskaashi loo samayn lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM