Iska-horimaad ka dhacey gudaha magaalada Cadaado

Image

August 21, 2015 (GO)- Waxaa xalay magaalada Cadaado ka dhacay iska horimaad dhexmaray kooxo hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidamada maamulka magaaladaasi ka arrimiya ee Galmudug.

Iska horimaadka ayaa shacabka magaaladu ku sheegeen inuu yahay mid salka ku hayo xarig loo geystay mid kamid ah madaxweyne ku-xigeenada maamulka gobalada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaa Cabdullahi Daacad oo ay magaalada Cadaado ku xireen ciidamada ka amar qaata Cabdikariim Guuleed Madaxweynaha Galmudug.

Sargaal ka tirsan  Ahlu Sunna ayaa tilmaamay in ciidamada Galmudug shalay kala baxeen hotelkii uu ka degenaa magaalada Cadaado madaxwayne ku-xigeenkaasi, isagoo lagu xirey saldhiga la weerarey. 

Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askartii saldhiga illaalada ka ahayd, basle la sheegay in kooxda weerarka qaaday aysan ku guuleysan inay halkaasi kala baxdo Daacad oo la sheegay inuu weli halkaasi ku xiran yahay.

Arintaana ayaa imaanaysa xilli labo maamul ka dhisan yihiin magaalada Cadaado iyo xarunta gobolka Galgaduud, iyadoon cirka isku sii shareerayso colaada ka dhextaagan labada dhinac.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM