Issimo ka tirsan gobolka Sool oo diidey wadahadalka Cali Khaliif ee Somaliland [ Daawo]

Image

GAROWE-Issimo ka tirsan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa warsaxafadeed ay soo saareen ku diidey wadahadal la sheegey in magalaada Caynabo ugu socda Cali Khaiif  Galeyr iyo maamulka Somaliland.

Issimadaan ayaa sheegey in wadahadalkaan ogeyn islamarkana aan lagala tashan sidaad dardeedna aysan jirin cid magaca beesha degta goboladaas kaga qayb gali karin howlaha ka socda Caynabo.

Hadalka Issimada ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Cali Khaliif oo sheegta maaxweynaha maamulka Khaatumo wadahadal ay aayahooda kaga tashanayaan la wadaan Somaliland.

Galeyr oo kamid ahaa xildhibanada Dowlada Federaalka ayaa in muddo ah degaanada Howdka ah ee gobolka Sool ku sugnaa halkasoo sheegey inuu ka jiro maamul la yiraahdo Khaatumo kaasoo ka madax banana Puntland iyo Somaliland.

Odayaashaan ayaa ku baaqey in la isugu yimaado wadahadal beesha ah kasoo oo furan siyaasiyiinta goboladaas kaga maqan maamulada Puntland iyo Somaliland.

HALKAAN KA DAAWO HADALKA ISSIMADA 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM