Itoobiya oo "dhexdhexaadisay" hogaanka gobolka Gedo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa "xal wada-ogol ah" kusoo afmeertay khilaafka dhanka hogaanka ah oo muddo ka aloolsanaa gobolka Gedo, sidda ay muujinayaan warbixinadda soo baxaya.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in mas'uuliyiin ka socdey Dowlad Degaanka oo kasoo talaabay xuduudka ay xaliyeen khilaafka oo u dhaxeeyay Gudoomiyaha gobolka Gedo iyo madaxa sirdoonka.

Gudoomiye Axmed Buule iyo Taliye Bakal Koke ayaa lagu waramay in ay isku-maan-dhaafeen qaabka ay u qeybsanayaan canshuurta laga uruuriyo waddooyinka gobolka.

Kadib munaasabad ka dhacdey magaalada Doolow, labada mas'uul ayaa balanqaadey in ay wadashaqeyn doonan ayna diiradda saari doonan sidii loogu adeegi lahaa dadka shacabka iyo amniga.

Gobolka Gedo ayaa muhiimad istaraatiijiyadeed u leh Addis Ababa. Muddo sanado ah, ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn howlgalka Midowga Afrika ayaa halkaas u jooga xakameynta Al-Shabaab.

Weerarka bishii August ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku qaadeen bariga Itoobiya ayaa ku qasbay mas'uuliyiinta Addis Ababa in ay adkeeyaan ammaanka xuduudaha Soomaaliya.

Maamulkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gobolka Gedo geeyay ciidamo daacad u ah. Balse, waxaa arrinkaas ka gadoodey Jubaland oo askar ku daabushay waxaana halkaas ka dhashay isku-dhac.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka falcelin warkan lamana ogga haddii ay ogaal u tahay qadiyaddan. Isku-dayo xiriir oo saxaafadda ay la sameysan ayaa kusoo gabagaboobay natiijo la'aan.

Hogaanka cusub ee Soomaaliya ee la doortey 15-kii May, 2022 ayaan wali soo bandhigin aragtidiisa ku saabsan xiisadda gobolka Gedo oo kamid ahayd waxyaabihii aadka u daahiyey doorashadii madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM