Jabuuti oo kordhinaysa tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya

Image

Jan 9, 215 (GO)- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay inay kordhinayaan tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu maanta warbaahinta kula hadlayay magalada Muqdisho oo u yimi ka qayb galka shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo barrito furmayo.

Yuusuf ayaa sheegay kun Askari oo millatari iyo boolis isagu jira inay keeni doonaan gudaha dalka si ay uga qayb noqdaan howlgalka Midowga Africa ee lagu damacsan yahay in lagu soo afjaro kooxda Al-Shabab.

Waxa uu sheegay inay ka go'an tahay garab istaaga DFS iyo shacabka Soomaaliyeed, shirka barri furmaya uu ahmiyad gaar ah u lee yahay Soomaaliya maadama looga hadlayo xaalada wadanka iyo hormarka dagaalada Al-Shabab laga gaaray.

Jabuuti oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaa ciidankeedu waxa uu ku sugan yahay Gobalka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM