​Janan katirsan ciidamada dowladda Somalia oo Muqdishu lagu dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Koox hubaysan ayaa Caawa Muqdishu ku dilay Sarkaal sare oo kamid ahaa ciidamada dowlada federaalka ah ee Somalia.

Goob Jooge ayaa GO u xaqiijiyay in Labo Nin oo Bastoolado ku hubaysnaa ay toogasho ka gaysteen degmada Waaberi, iyagoo qudha ka jaray Jeneraal Cabdicasiis Caraaye, oo ahaa Sarkaal katirsan ciidamada dowladda Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxda dilka fulisay ay si nabad ah goobta uga baxsadeen, kahor intaysan ciidamada dowladda soo gaarin. 

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyadda Dilka Jen  Caraaye.

Saraakiisha ciidamada dowladda kama aysan hadlin Dilka loo gaystay Janankaasi.

Dhanka kalena, xaafadda Hodan ee magaalada muqdishu gaar ahaan suuq Qaadka lagu qaybiyo ayaa waxaa caawa ka dhacay qarax, galaaftay nolosha haweenay. 

Waxaa la rumeysanyahay in walxaha qarxa lagu xirey gaari uu leeyahay nin ganacsade ah, suuqana uu ku qarxay gaarigaasi.

Dilka Sarkaalka ayaa qeyb ka ah falal qorsheysan oo qur goyn iyo Qaraxyo isugu jiray, kuwaasoo muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM