Jawaari oo furay dood ku saabsan mooshinka Madaxweynaha

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Muqdishu ka furmay kulan looga hadlayo mooshinka dhawaan laga keenay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, waxaana ka soo qayb galay Ra'isal wasaaraha Somalia iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia.

Shirka ayaa la sheegay in looga wadaxaajoonayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan, waxaana horay Gudoonka Barlamanku u shaaciyay in la laalay.

Kulanka, waxaa ka maqnaa qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka keenay kuwaasi oo tilmaamay inaysan ka soo qayb galayn shir lagu doonayo in lagu baajiyo mooshinkooda.

Gudoomiyaha Barlamka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay inay yimaadaan Xildhibaanada maqan si loo wadahadlo.

Ra'ilsa wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa ka cudurdaaray dib u dhaca ku yimi kulanka oo horay u dhici lahaa, waxaana uu xusay inuu diyaar u yahay dhagaysiga aragtida Xildhibaanada.

Qaar ka tirsan Barlamanka joogay shirka, ayaa soo jeediyay fikarado kala duwan, waxaana qaybtood qabaan inay la joojiyo kulanka maadama horay loo shaaciyay in la laalay, lana sii amba qaado shaqada Xildhibaanada.

Dooda ayaa socon doonta, walow aan la sheegin xilliga la soo gaba gabayn doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM