Jawaari oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta DFS

Image

October 26, 2014 (GO)-Afhayeenka gollaha shacabka Somalia Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay markii ugu horaysay muranka iyo khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Xasan Shiikh iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

Jawaari ayaa sheegay khilaafka Villa Somalia ka jiraa in lagu dhamayn doono si deganaan ah oo xilkasnimo ku jirta balse ay wada shaqayn wanaagsani hadda kala dhaxayso Hay'adda fulinta ee uu horkacayo Cabdiwali Shiikh Axmed.

“waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo in wada sahqeyntii ka dhaxeysay GolahaShacabka iyo Laanta fulinta ee la xiriirtay sharciyadii loo dejinayey hiigsiga 2016ka in sidooda ay u soconayaan oo aanay kala fikir duwanaanshahan wax saameyn ah ku yeelan doonin oo sidooda ay u socon doonaan oo aanay jirin wax hakan doona, sidaasi ayeyna go'aansadeen guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka, wey soconeysaa howsha,wixii dhexdeenna oo kala aragti duwanaansha ahna si biseyl siyaasadeed, degenaansho,wadaniyad iyo u daneynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayey kudhamaaneysaa”.

Gudoomiyaha Baarkamaanka ayaa beesha caalamka iyo shacabka ugu baaqay inaysan buun buunin khilaafka labdan masuul ayna wax kasta sidii loogu talo galay ku dhamaan doonan.

Xafiisyadda Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u mashquul-sanaa iyadoona siyaasiyiin labada dhinac kala taageersan ay u kala qab qaadayaan masuuliyiinta is haya.

Khilaafkankan ayaa soo if-baxay maalinkii shalay ka dib markuu Cabdiwali Shiikh Axmed isku shaadheyn ku sameeyay qaar ka mid ah gollaha wasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM