Jawaari oo 30 cisho u qabtay soo gudbinta sharciga axsaabta dalka [Dhagayso]

Image

17 September, 2015(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inay dowladda Federaalka Somalia la daahday soo gudbinta sharciga axsaabta siyaasadda Somalia.

Jawaari ayaa tilmaamay in xukumadda Somalia sharcigan loo gudbiyay muddo haatan laga joog labo bilood, ka dib wadatashi ay ka yeesheen Barlamanka Somalia.

Xukumadda Somalia ayaa lagu amray inay sharcigan wadatashi kala yeelato bulshada qaybaheeda kala duwan, isla-markaana ku soo gudbiyaan muddo dhan Soddon cisho, maadaama uu ka soo idlaaday dhanka Barlamanka.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli la hakiyay kulamadii Barlamanka Somalia, maaadama la sheegay in ka badan 40 mudane inay aadeen gudasha Xajka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM