Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo geeriyooday

Image

Waddanka Maraykanka waxaa ku geeriyooday jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya. 

Allaha u naxariistee jeneraalka oo da'diisu ay ahayd 85 jir ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka, sidaas waxaa saxaafada u xaqiijiyey ehelada sarkaalkaan hore.

 Maxamed Cali Samatar ayaa noqday mas'uulkii ugu sarreeyay ee dawladdii kacaanka oo wadanka dibadiisa lagaga soo oogo dacwad ka dhan ah kadib markii lagu eedeyey tacadiyo ka dhan ah Dhinaca bini'aadinamada intii uu ahaa madaxa ciidamada Somaliya.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sanaddii 2010-kii go'aamisay in dacwad lagu soo oogi karo jenaraal Samatar. 

Samatar ayaa la rumeysan yahay in xasuuq ka gaysteen ciidamo uu amrayey gobolada Woqooyi Galbeed ee Somaliya kadib markii Jabahadii SNM gudaha u soo gashay degaanadaas.

Jeneraalka oo hogaminayey dagaalkii dhexmarey Dowlada Ethiopia iyo Somaliya ayaa la rumeysan yahay inuu magalaada Jigjiga toogasho ku laayey saraakiil gaareysa 90 kuwasoo ka tirsanaa ciidanka Xoogga Dalka Somaliya. 

Saraakiishaan oo dib uga soo noqotey dagaalkii ciidamada Somaliya looga adkaadey kasoo hogaaminayey Jeneraal Maxamad Cali Samatar ayaa taliyahaan dilka ugu xakumey inuu saaro mas'uuliyada jabka dagaalka saraakiishaan.

Cali Samatar ayaa inta uu noolaa beeniyey eedeymihii loo soo jeediyey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM