​Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo Muqdishu lagu Aasay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- AHN waxaa goordhaweyd  magaalada Muqdishu caasumadda Somalia lagu Aasay Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia islamarkaana soo noqday wasiirkii Gaashaan dhigga xukuumaddi Miletariga Sareeyo Guuto Maxamed Cali Samatar oo dhawaan ku geeriyooda waddanka Maraykanka.

Diyaar khaas ah oo watay Maydka marxuumka ayaa Labo saac ka hor soo cago dhigatay garoonka Aadan Cadde halkaas oo ay ku sugnaayeen madax katirsan dowladda Federalka Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada.

Astaanta Qaranka Somalia ayaa loo garaacay maydka iyadoo Naxashka uu saarnaa la dul saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda Federalka Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada qaybtood ayaa aas-ka ka qayb galay iyagoo si wadar ah ugu tukaday saalaadda Jaanasada, waxaana lagu xabaalay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Barlamanka Maxamed Sheekh Cusman, Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Somalia ayaa joogay halka marxuumka lagu aasay.

Qaar kamid ah madaxda oo halkaasi ka hadashay ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay Maxamed Cali Samatar iyagoo EEBBE uga baryay inuu ka waraabiyo Jannada, waxayna sheegeen inuu ahaa halyay Qaran oo waxyaabo badan lagu xasuusan doono.

Horay waxaa sidaasi oo kale magaalada Muqdishu aas-qaran loogu sameeyay Ra'isal wasaarihii hore ee dalka Somalia Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM