​Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo Muqdishu lagu Aasay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- AHN waxaa goordhaweyd  magaalada Muqdishu caasumadda Somalia lagu Aasay Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia islamarkaana soo noqday wasiirkii Gaashaan dhigga xukuumaddi Miletariga Sareeyo Guuto Maxamed Cali Samatar oo dhawaan ku geeriyooda waddanka Maraykanka.

Diyaar khaas ah oo watay Maydka marxuumka ayaa Labo saac ka hor soo cago dhigatay garoonka Aadan Cadde halkaas oo ay ku sugnaayeen madax katirsan dowladda Federalka Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada.

Astaanta Qaranka Somalia ayaa loo garaacay maydka iyadoo Naxashka uu saarnaa la dul saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda Federalka Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada qaybtood ayaa aas-ka ka qayb galay iyagoo si wadar ah ugu tukaday saalaadda Jaanasada, waxaana lagu xabaalay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Barlamanka Maxamed Sheekh Cusman, Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Somalia ayaa joogay halka marxuumka lagu aasay.

Qaar kamid ah madaxda oo halkaasi ka hadashay ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay Maxamed Cali Samatar iyagoo EEBBE uga baryay inuu ka waraabiyo Jannada, waxayna sheegeen inuu ahaa halyay Qaran oo waxyaabo badan lagu xasuusan doono.

Horay waxaa sidaasi oo kale magaalada Muqdishu aas-qaran loogu sameeyay Ra'isal wasaarihii hore ee dalka Somalia Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM