Jidad laami ah oo maanta xarigga laga jarey Garowe iyo Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image

March 10, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  si rasmi ah xarigga uga jaray labo waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda Puntland ee Garowe.

Labadan jid ayaa Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigey sanadkii hore ee 2014, waxaana lagu fuliyey mashruuca horumarinta degmooyinka JPLG ee ka soconaya qaar kamid ah degmooyinka waaweyn ee Puntland.

Gaas oo munaasabadii furitaanka si kooban uga hadlay wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay dhismaha jidadka oo halbowle u ah koboca dhaqaalaha, isu socodka dadka iyo gaadiida; iyo weliba kor u qaadista bilicda caasimada.

Duqa Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo isna goobta ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan waddooyinka maadama ay yihiin hanti dadka oo dhan ka dhexeysa si guudna loogu wada manaafacaadsanayo.

Dhanka kale, waxaa isla maanta xarigga laga jaray jid laami la saarey oo isku xira madaxtooyada Bosaso iyo suuqa, jidkan oo horay loo oran jirey Netco dhererkiisuna yahay 2km waxaa loo bixiyey magac cusub oo ah Benderqasim.

Munaasabaddii lagu furayey jidkan waxaa kasoo qayb galay wasiirro, xildhibaanno, maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Bosaso iyo weliba xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM