​JOWHAR: Is-rasaasayn dhexmartay ciidanka dowladda oo dhimasho sababtay

Image

JOWHAR, Somalia- Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowaldda Somalia, ayaa xalay ka dhacday degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ciidamadan ayaa ku dagaallamay xaafad lagu magacaabo Kulmis, waxaana inta la xaqiijiyay dhintay labo Askari iyadoo ay dhaawacmeen Afar kale.

Mid kamid ah ragga dhintay ayaa katirsanaa ilaaladda Guddoomiyaha degmada Jowhar.

Ciidamada dagaallamay ayaa isku fahmi waayay howlo la xiriira baaritaan ay wadeen Booliisku, waxaana is-hortaag ku sameeyay ilaaladda Guddoomiyaha Jowhar.

Warar kale oo ku xeeran dhacdadaasi ayaa sheegaya in labada ciidan dagaallameen kadib markii uu soo kala dhex-galay kala shaki iyo fahamwaa.

Majirto ilaa hadda cid kahadashay dhacdadan oo lagusoo beegay xilli la sheegay in aad loo adkeeyay amniga magaaladaas oo kasocdo shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Jowhar, ayaa muddooyinkii dambe daganayd, waxaana horaantii bishii hore lagusoo daad gureeyay ciidamo Booliis ah oo laga keenay caasumadda Somalia, kuwaasoo la sheegay inay sugayaan ammaanka degmada inta uu socdo shirka maamulka loogu dhisayo labada gobol.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM