Jowhar Lagama mamnuucin Indho-shareerka

Image

Ku simaha guddoomiyaha oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in hadalkii shalay ka soo yeeray agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka shabeellaha dhexe Cabdikarin Cumar uu yahay mid aan waxba ka jirin oo uusan maamulka ka warqabin, islamarkaasna uu arrintaasi ka raalli gelinayso guud ahaan shacabka gobolka Shabeellaha dhexe.

Ku simaha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira sababta keentay in mas’uulkaasi uu sheego go’aan uusan maamulka gaarin.

Shalay ayey ahayd markii agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka shabeellaha dhexe Cabdikarin Cumar uu VOA u sheegay in maamulku uu mamnuucay in haweenku ay xirtaan indho-shareerka iyo sidoo kale in habeenkii aysan socon karin mootooyinka loo yaqaano bajaajta

Dhinaca kale wasiirka arrimaha Diinta dowlada Federaalka ayaa beeniyey hadal dhowaan kasoo yeeray agaasimaha guud ee wasaarada kadib markii uu sheegey in la mamnuucey xuska iyo xafladeynta sanadka cusub iyo dhalshada Nabi Ciise.

Dhageyso wareysiga ku-simaha gudoomiyaha oo la hadley VOA

VOA+GAROWE Online

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM