Jubada Hoose: Al Shabaab oo Geel ka dhacdey dad xoolo dhaqato ah

Image

KISMAYO, Somalia- dagaalo labadii maalmood ee lasoo dhaafey 15, 16 Dec, 2016 ka dhacey degaano dhinaca Galbeedka  kaga beegan magalada Kismayo ayaa dhexmarey maleeshiyaad ka tirsan ururka Al shabaab iyo dadka degaanka.

Warar ka imaanaya degaaan la yiraahdo Kanjiroon ayaa sheegaya in dagaalkaan ka bilowdey muran ku saabsan Zeko bixinta kasoo ururka Al shabaab ka qaadaan xoolaha.

Dadka degankaan ayaa wararku sheegayaan iney ka horyimadeen bixinta xoolahaas taasoo keentey in maleeshiyaadka Al Shabaab ka dhacaan degaanka Yaaq Biraale, Booray iyo Kanjiroon Geel gaaraya 1000 neef.

Dadka degaanka oo isbaabuley ayaa dagaal kala hortagey kooxdaan iyadoo wararku sheegayaan in 3 kamid ah maleshiyaadka qabiilka ku dhinteen iska horimaadkaan.

Maleshiyaadka Al shabaab oo ciidamada dowlada oo kaashanaya AMISOM laga qabsadey goobihii ay dhaqaalaha ka heli jireen ayaa inta badan dadka reer baadiyaha ee ku dhaqan degaanada ay ku dhuumaaleystean ka qaata xoolaha nool  kuwasoo mararka qaarkood keena isku dhacyo dhiig ku daato. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM