Jubaland oo dhowaan ansxin doona Dastuur rasmiya [Dhageyso]

Image

July 30, 2015 (GO)- Ergada loo soo xulay ansixinta dastuurka Jubbaland ayaa kulan la qaatay madaxweyne Axmed Madoobe waxaana kulankaas looga hadlay sidii dadka loogu dhiiri galin lahaa muhiimada uu axdigana leeyahay iyo si uu u meel mari lahaa.

300 qof oo laga soo xulay degmooyinka hoos yimaada maamulka Jubaland ayaa ansixinaysa dastuurka.

Maxamuud Faadhiga Gamac oo kamid ah ergada loo xilsaaray ansixinta dastuurka oo waraysi gaara siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in afar bari ilaa shan abri ay ku soo gaba gabayn doonaan kadibna waxaa la filayaa in Barlamanka Jubaland ansaxin doono. 

Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa waxaa kusoo wajahan doorasho bilaha soo socda iyadoo la filayo Barlamanka dhowaan lasoo magacaabey dooran doono u tartamyaasha xiligaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM