Jubaland oo ka hadashay in ay ka qeybgaleysa shirka DF iyo maamulada

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maamulka Jubbaland wuxuu diyaar u yahay in uu ka qeybgalo shirka uu Aqalka Sarre ugu baaqay Dowladda iyo Maamuladda, sidda ay ku dhawaaqdey Madaxtooyadda dowlad goboleedkaas.

Golaha Senate-ka Soomaaliya ayaa dalbaday in kulankaas oo looga hadlayo arrimaha doorashadda 2020-21 uu qabsoomo kahor 25-ka bisha June "si loo helo hab la isla ogol-yahay oo lagu galo coddeynta".

Puntland oo soo dhaweysay codsigaas ayaa dhankeeda ku adkeystay in uu kulanka dhaco kahor 20-ka June maadaama 27-da la qorsheeyay in guddiga doorashooyinka uu hortago baarlamaanka dalka.

Xirsi Jaamac Gaani, wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland oo bogaadiyey maamuladda, xisbiyadda iyo dalalka soo dhaweeyay go'aanka Aqalka Sarre, ayaa xusay in dhankooda ka qeyb-qaadan doonan shirka.

"Annaga ka Jubbaland ahaan waan soo dhaweynay baaqoodii [Aqalka Sarre] waan soo dhaweynay in ay shaqadaan galaan, waana tageynaa maxaa yeelay waxaan raadinaynayba waxay ahayd in la isu yimaado, talada waddankan waa lawada leeyahay," ayuu u sheegay telefishinka Jubaland.

Dhanka kale, wasiirka oo sheegay in ay "ceeb tahay" in madaxda dowladda federaalka ay wadamo shisheeye xasuusiyaan in ay ku tumanayaan dasturka, si gaar ah madaxweyne Farmaajo ayuu dhaleeceeyay.

"Madaxweynaha dowladda federaalka isaga ayay ka imaaneysaa ceebta ugu weyn oo ay fuuleysaa hadii waddankaan wada socodkiisa, horu-socodkiisa, waddankan dib u soo kabashadiisa, hadii uu dhaawac ku yimaado," ayuu hadalkiisa ku daray Mr Xirsi Jaamac Gaania oo cod dheer ka digay arrintaas.

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya oo aan ka jawaabin codsiga Aqalka Sarre ayaa shir kale ku casuuntay maamuladda "talaabadaas oo u muuqatay isku day meesha looga saarayo dedaalka golaha xeer-dejinta".

Aqalka Sarre oo guddi u magacaabay dhexdhexaadinta dowlada iyo maamulada ayaa dastuuriyan wuxuu metelaa danaha dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ah, oo wadashaqeyn fiican aan la lahayn Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM