​Jubbaland: Madaxweyne ku xigeenno la magacaabay

Image

KISMAYO- Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu magacaabay labo xubnood oo noqonaya madaxweyne ku-xigeennada maamulka fadhigiisu yahay magalada Kismayo.

Qoraalkan oo maanta kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu xusay in labadaasi mas'uul lagu magacaabay la tashiyo uu Axmed Madoobe, la sameeyay guddoomiyaha golaha wakiillada islamarkaana uu eegay baahida loo qabo in dhakhso loo soo dhiso golaha fulinta maamulkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ayaa loo magacaabay Maxamud Sayid Aada, halka ku-xigeenka Labaad uu noqday Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Yusuf.

Magacaabistan ayaa kusoo beegantay xilli dhawr jeer madaxweyne Madoobe kororsaday waqtiga uu kusoo dhisi lahaa golahiisa wasiirrada, waxaana boosaska xubnaha loo magacaabay si KMG ah u haya Gen: Fartaag iyo Cabdulqaadir Lugadheere.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM