​Jubbaland oo Al Shabaab kala wareegtay xarun muhiim ah

Image

KISMAYO, Somalia- Ciidamada maamulka Jubbaland oo gacan ka helaya AMISOM, ayaa gacanta ku dhigay xarun ay sheegeen inay kooxda Shabaab ku kaydsan jireen Hubka islamarkaana kasoo abaabuli jireen weerarada ka dhacay gobolka Jubbada hoose.

Weerarkan ayaa ciidamo ku qaadeen deegaanka Beer-xaano oo u dhow magaalada Kismayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in deegaankiisa gacanta ugu jiraan ciidamada ammaanka islamarkaana laga sifeeyay mallayshiyaadkii horey gacanta ugu hayay, waxyna intaasi raaciyeen in xarunta la qabtay ahayd goob muhiim u ah ururkaasi.

Khasaaro kala duwan ayaa weerarkaasi ka dhashay in kastoo saraakiisha ammaanka aan kasoo xiganay inaysan dhinacood wax dhib ah kala kulmin kooxdaasi.

Holwgalkan ayaa yimi maalin kadib markii ciidamada Jubbland iyo kuwa dowladda Somalia oo gacan ka helaya Maraykanka ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-gaduud halkaasoo ay ku dileen 10 katirsan kooxdaasi iyagoo la wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.

Dowladda Somalia ayaa goor sii horraysay tilmaamtay inay howlgal ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabi doonaan gobolka Jubbada hoose, waxana magaalada Kismayo ku sugan ciidamo gaar ah oo ay leeyihiin maamulkaasi iyo kuwa NISA iyadoo dhawaan Axmed Madoobe tababar usoo xiray guutooyin si gaar ah loo tabo-baray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM