​Jubbaland oo fasaxday qaxooti Dhooblay ku xayirnaa

Image

KISMAYO, Somalia- Maamulka Jubbaland ayaa dib u fasaxay qaxooti kasoo laabtay dalka Kenya kuwaasoo doonayay inay tagaan gobollada Somalia, balse lagu hakiyay degmada Dhoobley ee xadka labada waddan.

Jubbaland ayaa ku dooday inaysan qaxootiga tirada badan ee imaanaya gobollada Jubbooyinka loo samayn wax dib u dajin ah iyagoo muddo dhowr maalin ah ku joojiyay xero KMG ah ku taalla degmadaasi.

Arrintaasi ayaa sababtay in shalay magaalada Kismayo tagaan wafdi kasocda hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsa qaxootiga (UNHCR), kuwaasoo maamulka kala hadlay xal laga gaaro mushkiladdaasi.

Labada dhinac ayaa ku hishiiyay saddex qodob sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland General Maxamed Warsame Darwiish oo la hadlay VOA.

1- In la fasaxo qaxootiga ku xayiran xadda Somalia iyo Kenya

2- In loo baaqo dhammaan dhinacyadii ku hishiiyay hishiiskii saddex geesoodka ahaa

3- Inaan lasoo rarin karin qaxootiga ku sugan Dhadhaab ilaa hishiis laga gaarayo arrinta taagan oo ay kulmayaan dhinacyadii galay hiishiiskii saddex geesoodka ahaa islamarkaana lasoo saarayo go'aamo cusub.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qaxootiga la fasaxay socdaalkoodii sii wadan karan balse ay xilli kasta la kulmi doonaan dhibaatadii ay ka digayeen oo ahayd inaysan haysan goobo loo diyaariyay iyo cid u xil qabta.

Dhinaca kale waxaa cabasho xoogan muujiyay qaxootiga ku sugan xerada Dhooblay kuwaasoo tilmaamay inay ku rafaadsanyihiin halkaasi islamarkaana lagasoo barakiciyay noloshii iyo waxqabadkii ay ku haysteen Dhadhaab, waxayna dowladda Somalia iyo Kenya ka codsadeen in xaaladooda wax laga qabto.

Dadkan ayaa si iskood ah ugasoo laabtay dalka Kenya, kadib markii la sheegay in xeradaasi Albaadabada loo laabi doono dabayaaqada sannadka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM