​Jubbaland oo hakisay qaxooti ka yimid Dhadhaab

Image

KISMAYO, Somalia- Maamulka Jubbaland ayaa hakiyay qaxooti kasoo laabtay xerada Dhadhaab ee dalka Kenya kuwaasoo doonayay inay kusoo laabtaan dalka Somalia, waxaana lagu hakiyay magaalada Dhooblay sida uu xaqiijiyay wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaasi Maxamed Warsame Darwiish.

Darwiisha yaa sheegay in dadkaasi lagu hayo xero ku taalla magaalada Dhooblay ee xadka Somalia islamarkaana aysan usoo gudbi karin gudaha maamulkaasi isagoo sababta ku tilmaamay inaysan awood u hayn tirada dadka kasoo laabanaya dalka Kenya.

Wuxuu wasiirku xusay in hadda soo gaareen in ka badan 16,617 qof  kuwaasoo 817 ku suganyihiin degmada Luuq halka 15,800 soo gaareen magaalada Kismayo.

Mudane Darwiisha ayaa sidoo kale xusay in maamulka Jubbaland la daalaa dhacayaan in kabadan 40 kun oo qof kuwaasoo horay ugasoo barakacay colaadaha ka taagan waddanka Somalia.

Mar uu ka hadlay xaaladda xerada ay ku suganyihiin ayuu sheegay inay dhaanto meesha lagu wado taasoo uu xusay in dadkaasi lagu daabulayay meel aan waxba loogu diyaarin.

Wuxuu sheegay inaysan ogolaan doonin in qaxootigaasi gudaha u galaan deegaanada maamulka Jubbaland inta laga helayo ballanqaadyadii ay hore u samaysay beesha caalamka iyo dowladda Somalia, wuxuuna eedeeyay dadka ka soo daabulay qaxootigan kuwaasoo sheegay inay ka leeyihiin dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Arrintan ayaa timi xilli qaxootiga Somaliyeed ee dalkaasi ku sugnaa iskood ugu soo laabanayaan dalka Somalia, xilli aysan jirin goobo iyo adeegyo ay u diyaarisay dowladda Federalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM