Jubbaland oo ka hadashay geerida madaxweynihii 2aad ee Puntland

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweynihii 2aad ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi, oo xalay ku dhintay caasimada Kenya ee Nairobi.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa lagu sheegay in ay murugada la wadagayaan dowladda, shacabka Puntland iyo qoyskiisa.

"Marxuumka wuxuu kaalin weyn kasoo qaatay yagleelidii iyo taabo-galka dowladnimo ee Puntland isagoo kamid ahaa aas-aasayaashii Puntland isla markaana soo noqdey madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa naxariista EBBE iyo janatul Firdowsa waxaa loogu rajeeyay marxuumka si lamida in uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkiisa iyo qaraabadiisa, sidoo kalana qabrigiisa uu u waasiciyo.

Xilka madaxweynaha ayuu hayey muddo lix bilood oo ah 10, Oktoobar, 2004 ilaa 8, Janaayo, 2005 markii AUN Cabdullaahi Yuusuf oo uu ku xigeen u ahaa uu baarlamaanka Soomaaliya u doorteen madaxweynaha dalka.

Marxuumka oo kamid ahaa bud-dhigeyaashii dimuqraadiyada iyo xil-wareejinta xasilooni kadib doorashooyinka ayaa aas-aaskii dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ka hor wuxuu ahaa guddoomiyihii xisbigii loo yaqiinay USP.

Dhanka kale, mas'uuliyiin kala duwan oo heer federaal, mid goboleed leh iyo siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyadda ayaa dhankooda ka tacsiyeeyay geeridan.

QORAALKA JUBBALAND

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Itoobiyaan Lagu Eedeeyay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo Maxkamad lasoo taagey

Xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda u sheegtay in eedeymaha loo haysto ay la xiriiraan ka qaybgal dagaallo.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 02:25PM

Dhex-dhexaadin siyaasadeed oo xal loogu raadinayo Khilaafka Galmudug iyo Villa Somalia

Si kastaba ha ahaatee, xogaha ayaa sheegaya in kulamadii Dhuusamareeb ay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 06:38AM