Jubbaland oo sheegtay in la joojiyay dhismaha xadka Somalia

Image

16 November, 2015(GO)-Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Luga-dheere ayaa sheegay in dowladda Kenya joojisay darbiga ka dhisaysay xadka u dhaxeya Somalia iyo Kenya.

Luga-dheere oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA ayaa tilmaamay in arrintani ku timi wada-hadal uu la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ku-xigeenka madaxweyne oo haatan ku sugan Nairobi, ayaa wax laga weydiiyay arrimo ku saabsan dhoofinta dhuxusha iyo Sonkorta ayaa xusay inaysan waxba ka jirin isagoo ku tilmaamay warar ay fidiyeen dad dano siyaasadeed ka leh.

Mudooyinka waxa soo baxayay baaqyo iyo cabashooyin laga muujinayay darbiga dowladda Kenya sheegtay inay ka dhisayso xadka u dhaxeeya labada dal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM