Kalfadhiga Barlamanka Somalia oo dib loo dhigay

Image

17 Octobar, 2015(GO)-Kalfadhiga Barlamanka Somalia oo qorshuhu ahaa inuu furmo 21 bishan ayaa dib loo dhigay muddo dhan Afar cisho sababa lagu sheegay diyaarinta ajandayaasha kalfadhiga 7-aad ee Barlamanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliyeed Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in Xildhibaanada kalafadhigooda yeelan doonaa 24 Octobar, 2015, wuxuuna ugu baaqay inay dalka ku soo laabtaan ka hor intuusan furmin.

“Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka oo ku qorsheysnaa 21ka Octobar, 2015 dib loo dhigay 25ka Octobar, 2015 si loo dhammeystiro howlaha la xiriira diyaarinta ajendayaasha Kalfadhiga” Ayuu yiri Jawaari.

Arrintan ayaa imaanaysa Xilli Gudoonka sare iyo xildhabanada qaybtood ku mashquulsanaayeen mooshin laga keenay Madaxweynaha Somilia, kaasi oo dhawaan la shaaciyay in xal laga gaaray, waloow qayb ka mid ah saxiixayaasha mooshinka ka soo horjeesteen.

Labo kalfadhi oo qura ayaa uga haray waqtiga Mudanayaasha Barlamanka Somalia oo kala ah Kalfadhiga 7-aad iyo 8-aad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM