Kalfadhiga Barlamanka Somalia oo maanta furmaya

Image

25 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta la filayaa inuu furmo kalfadhiga Barlamanka Somalia sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Shekh Cusman Jawaari.

Madaxweynaha Somalia ayaa la filayaa inuu furo, kana jeediyo khudbadiisa dastuuriga ah.
Jawaari ayaa Xildhibaanada ku wargaliyay inay soo xaadiraan furitaanka kalfadhiga 7-aad ee golaha wakiillada Somalia.

“Waxaa xusid mudan in Kalfadhigan 7aad ay Golaha hor yaalaan howlo culus oo dhammantood dalkan muhiim u ah, hada inta badan Mudaneyaasha Baarlamaanka waa ay wada yimaadeen, waxaanse ka codsanayaa Xildhibaannada haray ee weli maqan iney si deg deg ah dalka ugu soo xaroodaan si aan u amba qaadno dhameystirka howlaha nalaga doonayo inaan qabanno oo ah kuwo aan xil gudashadooda u dhaaranay" Ayuu yiri Jawari.

Dhawaan ayay ahayd markii la baajiyay fadhigan oo goluhu isugu imaan lahaa 22 Octobar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM