Kalfadhiga Barlamanka Somalia oo maanta furmaya

Image

25 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta la filayaa inuu furmo kalfadhiga Barlamanka Somalia sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Shekh Cusman Jawaari.

Madaxweynaha Somalia ayaa la filayaa inuu furo, kana jeediyo khudbadiisa dastuuriga ah.
Jawaari ayaa Xildhibaanada ku wargaliyay inay soo xaadiraan furitaanka kalfadhiga 7-aad ee golaha wakiillada Somalia.

“Waxaa xusid mudan in Kalfadhigan 7aad ay Golaha hor yaalaan howlo culus oo dhammantood dalkan muhiim u ah, hada inta badan Mudaneyaasha Baarlamaanka waa ay wada yimaadeen, waxaanse ka codsanayaa Xildhibaannada haray ee weli maqan iney si deg deg ah dalka ugu soo xaroodaan si aan u amba qaadno dhameystirka howlaha nalaga doonayo inaan qabanno oo ah kuwo aan xil gudashadooda u dhaaranay" Ayuu yiri Jawari.

Dhawaan ayay ahayd markii la baajiyay fadhigan oo goluhu isugu imaan lahaa 22 Octobar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM