​Kenya: Faahfaahin xannibaadda wafdiga Ra'isal wasaaraha

Image

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helay sababtii loo xannibay wafdiga Ra'isal wasaare Sharmake ee dalka Kenya kuwaasi oo muddo dhan 4 saacadood lagu hayay garoonka diyaaradaha Nairobi xilli safar kusii ahaayeen dalka Turkiga. 

Wararka laga helayo saraakiil ka tirsan amaanka dowlada Kenya ayaa sheegay sababtii loo xannibay wafdigaasi la xiriirto arrimo ammaan maadamada aysan soo marin magalada Wajeer oo lagu baaro diyaaradaha ka yimaada dalka Somalia. 

Dhinaca kale waxaa jira in waftiga la socdey Ra'isal wasaaraha ay ku jireen dad aan haysan fasaxa dal ku galka dalka Kenya halka wasaarada arrimaha dibada ee Kenya iyo safarada Somalia ee Nairobi gabi ahaanba hayn liiska dadka saarnaa diyaarada Freedom Air.

Inkastoo wafdiga qaybtood saaka baxeen kuwii kalena xalay saq dhexe aadeen Turkiga hadana waxaa jira dad dib loogu celiyey magaalada Muqdishu kuwasoo aan haysan gabi ahaanba fiisooyinka dalalka Turkiga iyo Kenya.

Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka dalka Kenya oo gaabsadey magaciisa ayaa GO u sheegey in khaladka ugu weyn ee ku yimid waftiga Ra'isal wasaaraha ay iska lahaayen xafiiskiisa kuwasoo aan marin talaabooyinka protocol ee looga baahnaa madax dowladeed ee safraya ( Head of State).

Ilaa hadda dowladda Somalia gaar ahaa Cumar Cabdirashiid kama hadlin sababta arrintaasi loogu sameeyay, balse Xildhibaan shalay 20 Febrayo hadlay ayaa sheegay inay arrintaasi gayn doonaan golaha Barlamanka Somalia, wuxuuna Kenya ka dalbaday raali galin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM