Kenya oo beenisey in 20 askari laga diley

Image

May 26, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa beenisey in 20 askari  lagu diley weerar Al-shabaab la beegsatey kolonyo ka tirsan ciidamada booliska Kenya oo marayey meel u dhow tuulada Yuumbis.

Taliyaha booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa meesha ka saarey wararka sheegaya in 20 askari lagu diley weerarkaas, wuxuuna sheegay in hal askari oo qura la diley shan kalena ay dhaawacmeen.

Joseph Boinnet ayaa sidoo kale beeniyey in la la'yahay qaar kamid ah askarta weerarku qabsadey isagoo xusey in dhammaan askartu bed qabaan balse labo kamid ah shanta dhaawaca ah xaaladoodu culus tahay.

Ciidamada la weeraray  ayaa kusii jeedey tuulada Yuumbis, halkaasoo dhowr maalmood kahor dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsani muddo kooban la wareegeen dadkana ugu khudbeeyeen. 

Weerar bishii April ee lasoo dhaafay lala beegsaday jaamacadda degmada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagu diley 148 qof oo u badnaa ardey. 

Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo ku gooddiyey inuu sii wadi doono weerarrada inta ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM kasoo baxayaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM