Kenya oo derbi ka dhiseysa xadka ay la wadaagto Somalia

Image

February 25, 2015 (GO)- Kadib markii dhowaan Al-shabaab ku hanjabtey inay weerarro hor leh ka geysan doonto wadamada deriska la ah Soomaliya iyo qaar kamid ah dalalka reer-galbeedka, ayaa dowladda Kenya waxay sheegtay inay derbi weyn ka dhiseyso xuduudka ay la wadaagto Soomaaaliya.

Derbigan oo dhererkiisu gaarayo 700km waxaa marka koowaad laga hirgelin doonaa jaziirrada Lamu oo ah goob loo dalxiis tago halkaasoo dhowr mar mileeshiyaad Al-shabaab ka tirsan oo dhanka Soomaaliya kasoo tallaabay weerarro ka geysteen dad badanna ku laayeen.

Guddoomiyaha Lamu Issa Timamy ayaa sheegay in ujeedada koowaad ee derbigan laga leeyahay ay tahay sugidda ammaanka iyo weliba sidii looga hortegi lahaa in dagaalyahannada Al-shabaab kasoo tallaabaan xadka islamarkaana geystaan falal ammaanka Kenya liddi ku ah.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay gudaha Kenya, sidoo kale Al-shabaab ayaa ku goodidey inay sii wadi doonto weerarada tan iyo inta Kenya ciidamadeeda dib ugala soo baxayso Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM