​Kenya oo dishay 21 Al-shabaab katirsan

Image

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dishay 21-dagaal yahan oo katirsan xoogagga Al-Shabaab, kadib iska hor imaad ku dhexmaray ciidankooda iyo mallayshiyaad katirsan kooxdaasi inta u dhexeysa Qooqaani iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Afayeenka ciidamada Milateriga dalkaasi Kenya Col. David Obonyo ayaa tilmaamay in ciidamadooda iska hor-imaadkaasi looga dilay 2-askari halka 5-kale looga dhaawacay, isagoo intaasi raaciyey inay xoogagga Shabaab ka furteen hub isugu jira AK47, baastoolado iyo qoryaha baasukayaasha loo yaqaano.

Iska hor imaadka dhexmaray dhinacyadan ayaa dhacay kadib markii wadada loo galay kolanyo ciidamo ah oo isugu jiray kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Falkan ayaa daba socda dagaal shalay ka dhacay deegaanada Qooqaani iyo Afmadow.

Wararka aan helayno, ayaa tibaaxaya inuu ahaa dagaalku mid culus oo ka qayb-qaadanayeen diyaaradaha dagaalka Kenya, waxaana askartii kaga dhaawacantay Kenya loo qaaday isbitaalada magaalada Nairobi.

Al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegatay inay ku dhowaad 12-askari ka dileen ciidamada Kenya qaar-kalena nolosha ku qabteen, waxaa kale oo ay tilmaameen inay hub iyo gaadiid ka furteen.

Majirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karta sheegashooyinka labada dhinac oo muddooyinkii u dambeeyay isweydaarsanayay weeraro kala duwan oo ciidamo badan lagu dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM