​Kenya oo dishay 21 Al-shabaab katirsan

Image

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dishay 21-dagaal yahan oo katirsan xoogagga Al-Shabaab, kadib iska hor imaad ku dhexmaray ciidankooda iyo mallayshiyaad katirsan kooxdaasi inta u dhexeysa Qooqaani iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Afayeenka ciidamada Milateriga dalkaasi Kenya Col. David Obonyo ayaa tilmaamay in ciidamadooda iska hor-imaadkaasi looga dilay 2-askari halka 5-kale looga dhaawacay, isagoo intaasi raaciyey inay xoogagga Shabaab ka furteen hub isugu jira AK47, baastoolado iyo qoryaha baasukayaasha loo yaqaano.

Iska hor imaadka dhexmaray dhinacyadan ayaa dhacay kadib markii wadada loo galay kolanyo ciidamo ah oo isugu jiray kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Falkan ayaa daba socda dagaal shalay ka dhacay deegaanada Qooqaani iyo Afmadow.

Wararka aan helayno, ayaa tibaaxaya inuu ahaa dagaalku mid culus oo ka qayb-qaadanayeen diyaaradaha dagaalka Kenya, waxaana askartii kaga dhaawacantay Kenya loo qaaday isbitaalada magaalada Nairobi.

Al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegatay inay ku dhowaad 12-askari ka dileen ciidamada Kenya qaar-kalena nolosha ku qabteen, waxaa kale oo ay tilmaameen inay hub iyo gaadiid ka furteen.

Majirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karta sheegashooyinka labada dhinac oo muddooyinkii u dambeeyay isweydaarsanayay weeraro kala duwan oo ciidamo badan lagu dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM