Kenya oo dishay Shan kamid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab

Image

Isniin 20 October, 2014 [GO]- Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa weerar ku qaaday gaari nooca raaxada ah oo ay wateen Shan nin oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. 

Xuduuda dalalka Kenya iyo Itoobiya u dhaxeysa halka loo yaqaan Dooloow ayaa lagu weeraray ragga la dilay. 

Gaariga ay wateen oo lahaa taargo dalka Kenya ah ayaa laga soo dhex saaray 100Kg oo ah waxyaabaha qarxa iyo shan suun oo loo adeegsado is qarxinta. 

Marka uu weerarka dhacayay waxay doonayeen kooxda la laayay inay gudaha usoo galaan xuduuda dalka Kenya. 

Saraakiil u hadashay Ciidamada Kenya ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in ay ku daba jireen kooxdaan ayna hore u haysteen macluumaad dheeri ah. 

Wayaadan waxaa heegan ku jiray ciidamada ilaalada dalka Kenya kaddib markii ay dowlada heshay hanjabaad kaga timid kooxaha argagixisada Al-Shabaab. 

Bishii April ee sanadkaan ayaa sidaan oo kale magalada Mombasa gobolka Xeebta ah lagu qabtay laba nin iyo gaari ay wateen oo ka buuxay walxaha qarxa. 

GAROWEONLINE

Related Articles

RW Xamsa: Shidaalka dalka Soomaaliya halis ayuu ku jiraa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah aysan hadda ka dib ahayn hadal kaliya.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:08PM

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM