Kenya oo lagu eedeeyey inay duqeyn ku dishey askar ka tirsan DF

Image

July 14, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka ee ka hawlgala gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in ku dhowaad konton qof ku geeriyoodeen duqeymo labadii maalmood ee u dambeeyey diyaaradaha dagaalka ee Kenya ka geysteen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Col. Aadan Axmed Xirsi oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dadka duqeymaha ku dhintey ay kmid yihiin ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda oo lagu duqeeyey saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

"Khasaaro aan la soo koobi karin ayey ciidanka Kenya gaarsiiyeen Shacabkeena, xitaa waxay dileen askar ka tirsanaa  militariga Dowladda Federaalka markii ay sal-dhiggooda gantaallo ku dhufteen...ma jirto Kenya cid kula xiisaabtanta xadgudubyada ay kawado dalka,” ayuu yiri.

Marka laga yimaado hadalka sarlkaalkan, ma jiraan ilaa iyo hadda wararar madax bannaan oo arrintan xaqiijinaya, Dowladda Federaalkuna jawaab kama bixin.

Duqeymaha ayaa badankoodu ka dhacay dhulka miyiga ah ee u dhexeeya tuulooyink Dhamas iyo Ceel-Waaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM