​Khasaaraha dagalka Galkacyo iyo Galmudug oo ka hadashay

Image

GALKACYO, Puntland- Khasaaro xoog leh ayaa ka dhashay dagaal maanta galinkii hore ka dhacay degmada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dirireen ciidamo ka kala tirsan labada maamul ee Galkacyo ka taliya.

Goobaha caafimaadka ayaa la dhigay in kabadan 80 ruux, waxaana dhimashada wadar ahaan la xaqiijiyay 24 qof. Dadka dhintay waxaa ka jira 6 ruux oo shacab ah.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa jiida hore kusoo bandhigay Labo gaari oo mid kamid ah saanad milletry saarantahay oo dagaalka ay ku qabsadeen.

Maamulka Galmudug, ayaa dagaalkaas ka hadlay wax yar kadib markii Puntland soo saartay war-saxaafadeed ay mas'uuliyadda dagaalka ku saarayso Galmudug.

Balse, Galmudug oo ayaa warkeeda ku sheegtay in Puntland markasta jabinayso ama ka baxayso hishiisyada la galo, iyadoo tusaale usoo qaadatay kuwii dhacay December, 2015 iyo November, 2016.

Galmudug, waxay intaas ku dartay inay ku howlaneyd sidii dhismaha guddi ka shaqeeya nabadda Galkacyo.

Dagaalkii maanta ayay eediisa dusha uga tuurtay maamulka Puntland oo ay ku dhaliishay colaadda magaalada Galkacyo.

Xaaladda magaalada ayaa iminka dagan, waxaase dagaalka kasta oo dhaca uu noqdaa mid dhinaca walba kan kale ku eedeeyo.

Majirto wax tallaabo ah oo ilaa hadda xaaladda magaalada Galkacyo ka qaateen madaxda dowladda waqtigeedu dhammaaday iyo beesha caalamka, waxaaana guud ahaan xarunta gobolka Mudug ka qaxay dadkii ku sugnaa oo hadda ku dhibaataysan tuulooyinka hoos yimaada degmadaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM